Iran oo oo durba Magacawday Badalka Taliyihii la dilay iyo dagaal laga cabsi qabo

Diyaarad dagaal oo Mareykanka leeyahay ayaa saakay aroor hore duqeyn dhanka cirka ah ay ka fulisay Bagdaad waxa ay ku dishay Madaxii Ciidamada xulka ah ee Qudus , General Qassem Soleimani iyo saraakiil kale oo muhiim u ahaa dowlada Iiraan.

Dilka sargaalkan sare ee katirsanaa saraakiisha ciidamada Kacaanka Iiraan ayaa meel xun gaarsiiyay xiisadii u dhaxeesay Mareykanka iyo Iiraan, waxaana hada laga cabsi qabaa in dagaal ka dhax qarxo labada dal.

Dowlada Iiraan ayaa durbo taliye cusub u magacawday ciidamada xulka ee loo yaqaan Qudus, waxaana taliyaha ciidankan loo magacaabay  General Esmail Ghaani, oo horey ku xigeen ugu ahaa taliyaha la dilay.

Hoggaamiyaha sare ee Iiran Ayatollah Ali Khamenei ayaa ku hanjabay “aargudasho darran”, oo ka dhan ah “dambiilayaasha gacmahooda dhiigga la galay,” isaga oo wacad ku maray in “shaqadiisa iyo waddadii uu hayey aan la joojin doonin.”

Dilka taliyahan sare ee katirsanaa kacaanka Iiraan ayaa cirka galiyay xiisadii u dhaxeesay Mareykanka iyo Iiraan, waxaana hada cabsi badan laga qabaa in dagaalka siyaasadeed ee labada dal u dhaxeeyay isku bedelo gacan ka hadal.

Qaar kamid ah wadamada Caalamka ayaa ugu baaqay dowladaha Mareykanka iyo Iiraan in xiisada dejiyaan laguna xaliyo wadahadal, waxaana socda dadaalo badan oo looga hortago in xiisada taagan dagaal isku bedesho.

 

- Advertisement -