Fiqi oo wax lala yaabo ku tilmaamay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta DF

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa dhaliilay qoraal maanta ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia oo ku socday Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS)

Qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay War ka soo Baxay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laan qeyrta Cas (ICRC &SRCS) Soomaaliya oo weerarkii Al-shabaab ka fulisay Ex-control ku tilmaamay Iska horimaad u dhexeeyay laba Dhinac.

Fiqi ayaa sheegay iney jiraan arrimo ka muhiimsan arintaas oo loo baahnaa in dowladu ka hadasho.

Hoos ka akhriso qoraal xildhibaan Fiqi uu ku faafiyey baraha bulshada oo sidan u qornaa:-

Warqad kale oo wasaaradda warfaafintu ay ku soo saartey magaca dawladda Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay: Cabasho hadal laba hey’adood ka soo baxey ayaa soo baxdey maantay.

Warqadda dawladda waxaa lagu sheegay in hadalkii hey’adahaas labada ah 1) uu xadgudub iyo meel ka dhac ku yahay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Ex-Control Afgooye ee u badnaa arday, caruur iyo hooyooyin aan waxba galabsan. 2) in ay ku jireen hadallo dhiirogelin u ah argagixisada, Isla markaana marin habaabinaya muuqaalkii uu lahaa weerarkii argagixiso ee dhacey 28 December 2019.

Waxaa in la weydiiyo mudan dawladda Soomaaliya ee warqaddan soo saartey ee qodobadaas labada ah ku eedaysay bisha Cas iyo Laanqayrta Cas, maxeysan dawladdu uga hadlin fariintii NISA ee eedaymaha sare ku xusan iyo kuwo ka badanba ay ku jireen, kuwaasoo kooxda argagixisada ah looga weecinayey weerarkii dhacey.

Tan kale maxeysan dawladdu uga hadlin hadalkii argagixiye Sheekh Cali Dheere asagoo afka argagixisada ku hadlaya uu ku sheegtey in ay ka danbeeyeen weerarkii Ex-Control isla markaana ku caddeeyey bartilmaameedkii weerarkaas.

Hey’adaha labada ah, warqadda dawladda Soomaaliya iyo fariintii NISA oo qolo walba goonideeda durbaanka u tumayso, intaba waxaad moodaa in ay ku dul cayaarayaan xinjiraha iyo dhiigga dadka Soomaaliyeed, mana garan karo sababta ka danabeysa in qaraxii Ex-control Afgooye ee umad badan lagu xasuuqay sida dhabta ah illaa iyo hadda looga hadli la’yahay?

Ayadoo ay ka soo wareegtay muddo qiyaastii 4 maalmood ah weerarkii bahalnimada ahaa ee Ex-control Afgooye, dawladda Villa Somalia waxaa laga hayaa: illaa iyo hadda: tacsi diris, dhaawac sagootin iyo laba fariimood oo aan wax macno ah laheyn, lama sheegin mana muuqato guluf colaadeed oo lagu qaadayo argagixisada ama tallaabooyin amniga shacabka lagu xaqiijinayo oo la qaaday, taas bedelkeeda waa waraaqo hanjabaado hey’ado gargaar iyo fariin dawlad kale loogu hanjabayo un baan dawladdeenii ka heynaa? Aragagixiye Cali Dheerena waa soo doobinayaa!! Intaas qaraxyada iyo weerarmada argagixisada ma nooga filan tahey?!

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -