Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusomareeb si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Axmed Madoobe iyo Wefdiga uu hogaaminayay waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug, Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland iyo wefdiga la socday ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Galmudug ay ku sugan yihiin Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ka furmo shirka wadatashiga ee yeelanayaan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada, waxaana shirkan looga arinsan doonaa khilaafka ka taagan doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -