Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo Hambalyo iyo Baaq wada socda diray

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracade oo kamid ah Salaadiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan ayaa hambalyo ku aadan sanadka cusub waxa uu u diray Umada  Umada Soomaaliyeed meel kasta ay dunida ka joogaan.

Waxa uu ugu baaqay Ugaaska umada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in sanadkan noqdaan kuwa isku duuban oo ka shaqeeya nabada iyo horumarka dalkooda si looga gudbo xasilooni darada iyo dhibaatooyinka wali ka jira qeybo kamid ah dalka.

“ Sanad wanaagsan ayaa leeyahay Ummadda Soomaaliyeed meel walbo oo Caalamka ay ka joogaan, Alle waxaan ka baryeynaa Sanadkaan kiisa xigga inuu nagu gaarsiiyo Caafimaad iyo Nabad buuxda, waxaana ilaah ka baryeenaa in sanadkan nooga dhigo mid barwaaqo ah oo nabad iyo xasilooni badan wata ” ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi.

Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi oo sidoo kale kamid ah waxgaradka dadaalka badan ugu jira Dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa ugu baaqay dadka kasoo jeeda Galmudug in ay taageeraan dhismaha maamulkaasi si uu u noqdo maamul guuleesta

Waxa uu sheegay Ugaaska in Sanadkan rajeenayo in uu noqdo mkid Barwaaqo ah oo umada Soomaaliyeed dhibaatada ay soo martay uga baxdo, waxa uuna ugu baaqay Soomaali weyn in gacmaha iswada qabsadaan ilaahna baryaan.

Ugu Dambeyn Ugaas Cabdulaahi Ugaas Xaashi ayaa sheegay in uu cafiyay cid kasta oo dambi ka gashay, waxa uuna dhankiisa ka codsaday in ay iska cafiyaan cidii wax un ka tabaneysa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -