Xildhibaanada labada aqal oo ansixiyay Miisaaniyada dowlada ee sanadka 2020 (Daawo Sawirada)

Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah waxa ay u ansixiyeen miisaaniyada dowlada ee  sanadka 2020-ka.

Waxaa ansixiyay Miisaaniyadda 2020 188 Xildhibaan , waxaa diiday hal Xildhibaan halka ay ka amauseen labo Xildhibaan oo kale, waxaana sidaasi ku meel martay miisaaniyadda dowlada ee sanadka soo socda ee 2020.

Miisaaniyadda dowlada ee sanadka 2020 ayaa gaareysa $459.5 Milyan, waxaana miisaaniyadan maanta la ansixiyay labada aqal ee Baarlamaanka horgeesauy Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya.

Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa uga mahad celiyay labada aqal ee Baarlamaanka federaalka meel marinta miisaaniyada dowlada ee sanadka 2020 oo ka badan miisaaniyada sanadkii hore

”Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta fadhigoodii wadajirka ahaa ku ansixiyay Miisaaniyadda Dalka ee 2020, miisaaniyaddaan ay maanta meel mariyeen Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare waxay tilmaam u tahay dadaalka iyo dakhli kordhinta aan sameynay, sidoo kale sanadaan waxaan mudnaan gaar ah siinay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiir Beyle

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -