Doorashada Qof iyo Cod Ma Caddayn Doontaa in Siyaasaddii “Jugjug Meeshaada Joog” ay Khaldanayd!

Shirkii Golaha Amaanka ee November 22, 2019 waxaa si buuxda looga soo dhaweyay in Soomaaliya ay diyaar u tahay doorasho qof iyo cod ah. Hase yeeshee, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Mudane James Swan oo ka warbixiyay horumarka siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee Soomaaliya ku tillaabsatay tobankii sanadood ee la soo dhaafay, ayaa ka deyriyay wadashaqeyn la’aanta Dowladda dhexe iyo madaxda  maamul-goboleedyada qaarkood.

Haddaba, suuraggal ma tahay in ay dhacdo doorasho, iyadoo aan la helin isafgarad siyaasadeed oo dhexmara dowladda dhexe iyo Maamul-goboleedyada xurgufta u dhaxeyso?

Madaxda Maamul-goboleedyada iyo siyaasiinta qaarkood waxay ku doodayaan in waqtiga oo ciriiri ah iyo dalka oo ballaaran awgeed aysan suuraggali karin in la qabto doorasho qof iyo cod ah, iyadoo amni darrada ay u dheer tahay qorshe la’aanta “logistic”.

Kooxda aragtidaan taageersan waxay u janjeeraan habka xulashada dadban ee xubnaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, ee ku salaysnaa awood ku qaybsigii qabiilka. Waxaa muuqata in qaabkaan oo u eg “Jugjug Meeshadda Joog,” waxaa hormuud u ah madaxda Maamul-goboleedyada. Maqnaanshaha qaab-siyaasadeedkaan waxay ku luminaayaan qayb ka mid ah saameeyntooda. Waxaa kooxdan weheliya siyaasiyiinta duugga ah oo habka qaybsiga qabiilka kusoo gaaray awoodda, kuna ah waaya-arag tabahan.

Kooxda ka soo horjeedda fikraddaas waxay ku doodayaan in doorasho qof iyo cod ah oo keliya lagu gaari karo in awoodda dib loogu celiyo gacanta dadweynaha. Qaabkaan oo u muuqda inuu yahay “Isbedel Doon,” waa aragtida badida dadweynaha guud, dhallinyarada, haweenka,  indhhergaradka,  waxaana horseed u ah Xukuumada xilligan haysa hoggaanka dalka.

Siyaasiyiintii hore waxaa walaac ku haya, in dowladda kordhisato waqtiga iyadoo ku marmarsiyooneysa diyaarinta doorashada qof iyo cod. Walow kororsiga muddo xileedku uu yahay xadgudub, haddana dib ugu noqoshada awood qaybsigii qabilkuna ma dhaanto. Islamarkaasna dastuurka ku meel gaarka ah waxuu dhigayaa in kuraasta baarlamaanka labadiisa aqal lagu soo galo doorsho qof iyo cod ah.

Marka la tixgeliyo qaanuunka ku dhaqanka heshiis siyaasadeed, ka horimanaya dastuurka waa sharci darro. Qaabka matalaada qabaa’ilka ku soo xulanayaan aqalka wakiilada waa mid aan dastuurka ku qornayn, balse lagu gaaray xeer jajab. Taasna waxay u baahan tahay in la gasho dood sharciyeed si dalku u noqdo mid ay ka jirto sareenta iyo ku dhaqanka dastuurka.

Yusuf Gaandi oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in “madaxdii hore aysan arki karin isbeddelka (paradigm shift) ku dhacay amniga iyo ciidamada ammaanka.” Intaas wuxuu raaciyay in “seddax sano ka hor Soomaaliya aysan lahayn ciidan si tartiib-tartiib ah ugu sii siqayo dhulkii xagjirta ay ku amar taagleyn jirtay. Islamarkaasna jidadka Xamar maalinba maalinta ka dambeysa lagu qabqabanayo dhagar qabayaal fal argaggixiso ku hawlan.”

Si kastaba ha ahaate, qeybtii farsamada ee doorashooyinka oo mugdi badan ku jiray ayaa waxaa bayaanisay Marwo Xaliima Ismaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka.

Xaliima Yarey, waxay shaacisay inay suuraggal ay tahay in doorasho qof iyo cod ah dhacdo, haddii inta ka horreysa February 2020 la hirgeliyo: (b) Diiwaangelinta ku meel gaarka ah ee xisbiyada siyaasadda, (t) La isku raaco goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, (j) La bilaabo wacyi-gelinta codbixiyeyaasha, iyo (x) La dhiso xarunta-xog-uruurinta.

Iyadoo sii sharxaysa muhiimadda doorashada qof iyo cod, ayay tiri “xulashadii aan tooska ahayn ee xubnaha Baarlamaanka iyo madaxtooyada, ee ku saleysnayd awood ku qaybsigii qabiilka ee 2017 waxay xad gudub ku ahayd iibsashada ballaaran ee codka, oo xaddiday ka qeybgalka haweenka, meeshan ka saaray xuquuqda kooxaha laga tira badan yahay.”

Xaliima Yarey oo carrabka ku dhufatay, taageerada shacabka u hayo doorashada qof iyo cod, ayaa tiri “waa waddada keliya ee kooxaha la fogeeyay ay dib ugu soo ceshan karaan xuquuqdooda ka qayb qaadashada siyaasadda.” Waxay muujisay in doorasho madaxbannaan oo hal qof iyo hal cod ah ay dhici karto keliya marka hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed iyo beelasha caalamka ay muujiyaan sida ay uga go’an tahay taladaas.

Intaas waxay raacisay, in Dowladda iyo beesha caalamkuba siiyaan Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka taageerada ay ku hirgelin karaan doorasho hal qof iyo hal cod ah, sida: (1) Dhaqangelinta sharciga doorashada 2019 iyo (2) In dhaqaale loo qoondeyo maalgelinta loo baahan yahay. “Hoggaanka siyaasiyiintu waa inay u arkaan in doorashada tahay waajib dastuuri ah iyo mudnaan qaran,” ayay kusoo qatintay warkeedii.

Wolow dad badan ay murug ka muujinayaan diiwangelinta codbixiyeyaal aan lahayn warqadaha aqoonsiga amase dal aan weligii tirakoob laga sameyn, haddana Xaliima Yarey oo waraysi siisay idaacadda BBCda ayaa sheegtay in haddii Barlamaanka uu meel mariyo sharciga doorashada ay diyaar u yihiin in bisha Maarso ee sanadka cusub bilaaban diiwaangelita codbixiyeyaasha (BBC – November 23, 2019).

Cusmaan Macallin oo bulshadda rayidka ah ku matalayay shirkii Golaha Ammaanka ayaa tusaaleeyay golaha in Soomaaliya ay gaartay “isgoys muhiim ah oo aan sugneyn in horumarkii la gaaray guulihiisii lagu waayi doono amase lagu horumarsan doono.” Intaas wuxuu raaciyay walwalka ka taagan maqnaashaha maxkamad kala saarta, haddii khilaaf doorasho ka dhaco.

Halkaas waxaa ka soo ifbaxday muhiimadda loo qabo in la dhiso: (1) Maxkamad dastuuri ah, (2) Guddi adeega garsoorka, iyo (3) Guddi dhowrista xuquuqul insaanka. Taasi waa halka ay lixdii sanadood ee la soo dhaafay Dowladda dhexe iyo Baarlamaanka federalka ah ay ka gaabinayeen. Waana cabsida siyaasiyiinta mucaaradka ay ka qabaan inay keento dib u dhac kallifa waqtiga oo loo kordhiyo xukuumadda.

Waxaa xaqiiqa ah in dadka badankiisa ay wada galeen magaalooyinka waaweyn dhibaatooyinkii dalka ka jiray rubac qarnigii la soo dhaafay awgeed, ayuu xildhibaan Sakariya, oo la hadlay idaacadda BBC, aaminsan yahay (BBC – 23/11/2019).

Balse tiriska dadka waaweyn amase isdiiwaangelinta codbixiyaasha ayaa furi karta xasaasiyad qoto dheer, gaar ahaan dal aysan jirin taariikh la aqbali karo oo diiwaannada noocaas ah lagu dhaqmay. Waxaa jiri doono gobollo si gaar ah ugu nugul arrimaha diiwaangelinta, waxay qabaan inay wax u dhimeyso qiyaamka dhaqameedka tirada qabaa’ilka waaweyn.

Gobolka Somaliland oo 2017 laga sameeyay doorashooyin codbixiyeyaasha lagu diiwaan geliyay habka loo yaqaan “biometric,” waxaa ka dhalatay guul Africa ay kaga dayato. Xaliima Yare oo la hadalaysay Golaha Ammaanka ayaa sheegtay in 30kii sanadood ee colaadda sokeeye ay dalka ka dhimatay kalsoonida.

Doorasho habka hal qof hal cod oo aan ebyooneyn, balse iinteeda wadato, waxay dhaantaa habqaybsiga qabiileed. Sidaas awgeed doorashada Waqooyi “Somaliland” waxay mudan tahay ku dayasho.

W/Q Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com