Allbanaadir.com
NEWS

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raggii watay oo la qabtay (Sawirro)

Ciidamada amniga dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee ku sugan Magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari noociisu yahay Noah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Gaarigan oo la qabtay xili uu sii galayay magaalada Wardheer ayaan la ogeyn halka uu ku wajahnaa, iyadoo ciidamada amaanka ay baaris ku wadaan si ay u ogaadaan halka uu ka yimid, cida iska leh iyo goobta lala damacsanaa.

Ciidamada ayaa ku guuleystay iney kala furfuran qaraxyada saarnaa gaarigan sida uu sheegay teleshinka ku hadla codka dowlad degaanka Soomaalida ee SRTV.

Booliska ayaa sidoo kale waxay sheegeen in afar nin oo gaarigan la socday la qabtay ayna gacanta booliska ku jiraan.

Saraakiisha Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in arintani ay tahay mid ku cusub Degaanka Soomaalida oo aan looga baran qaraxyo iyo wixii la mid ah.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka ugu amaanka wanaagsan geeska Afrika waxayna ku guuleysatay iney gudaha dalkaas ka ilaaliso weerarada ay fuliyaan kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo qoraal xasaasi ah kasoo saartay Caqabadaha ka heesta maamulka hawada

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday guri kuyaalla Duleedka Nairobi oo lagu soo xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Cabdi Cade

Maleeshiyaad dagaallamay oo lakala qaaday iyo Heshiis …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---