Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Qarax Xoogan oo lagu weeraray Hotel ay Degan yihiin Saraakiil katirsan Milatariga Soomaaliya

Qarax xoogan oo loo maleenayo in uu yahay Ismiidaamin ayaa lagu weeraray Hotel kuyaala Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana Hotelka la weeraray la sheegay in ay degnaayeen saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qarax xoogan uu ka dhacay banaanka hore Hotel kuyaala Koonfurta Gaalkacyo, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas xoogan oon wali la ogeyn cida rideysay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamada amaanka gaar ahaan Ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Hotelka Qaraxa lagu weeraray ayaa la sheegay in ay degnaayeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Lugta Gen. C/xamiid iyo Taliyaha qeybta 21aad ee ciidanka xoogga dalka.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

Yaa u maqan Maatida uu maalin walba maalkooda urursado Duqa Muqdisho?

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo qaatay Shahaadada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Wasiir Najib Balala oo Xabsi la dhigay iyo dambiga lagu eedeeyay oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---