Dowlada Mareykanka oo Soomaaliya ka cafisay lacag badan oo deyn ah

Dowlada Mareykanka ayaa cafisay lacago badan oo deyn ah oo lagu lahaa dowlada Soomaaliya, waxaana talaabadan wax badan ka tareysaa soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya iyo olalaha deyn cafinta ee wado dowlada Soomaaliya.

Aqalka Koongareeska dalka Mareykanka ayaa u codeeyay in Soomaaliya laga cafiyo lacagaha deynta ee Mareykanku ku lahaa, waxaana Xildhibaanada aqalkan u codeeyeen in Soomaaliya laga cafiyo deynta.

Xildhibaan Ilhan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in ay ku guuleesteen in Soomaaliya laga cafiyo deyntii Mareykanka ku lahaa, waxa ayna arintan ku tilmaantay mid horseedeysa Barwaaqo

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ka dhigtay faqri. Arrintan waxay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka”, ayay Ilhan Cumar

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, waxa ayna xustay in ay rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.

“Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh, waxaana jira waxyaaba badan oo la sameyn karo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xirirka Dowladda dhexe iyo shacabka, Mareykankana door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa arrintan”, ayey tri Ilhan Cumar.

Dowlada Mareykanka ayaana kamid ah dowladaha Soomaaliya ku lahaa lacago aad u badan oon tiradooda la ogeyn, waxaana talaabadan Mareykanku qaaday la filayaa in dowlado kale qaadana ayna Soomaaliya ka cafiyaan deynmaha ay ku leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -