Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir oo la dhaqan celinayo !!

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al Bashiir ayaa lagu riday labo sano oo xabsi dhaqan celin ah, kadib markii lagu helay qaar kamid ah dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Garsooraha Maxkamada Al-Sadiq Cabdiraxmaan ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Al Bashiir lagu xukumay labo sano oo xabsi ah, waxa uuna sheegay in aan lagu xiri doonin xabsi caadi ah balse la geyn doono xarun bulsho oo lagu dhaqan celinayo.

“Maxkamadda waxay dembi ku heshay Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir, maxkamadda waxay go’aansatay in ay u dirto xarun bulsho oo loogu talagalay daryeelka iyo dhaqan celinta oo laba sano lagu hayn doono.” ayuu yiri Garsooraha maxkamada.

Xukunkan fudud ee lagu riday Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Al Bashiir ayaa sabab looga dhigay in ay da’diisa ka weyn tahay 75-sano sidaa darteydna aan lagu xukumi karin xabsi adag.

Inta aanan lagu dhawaaqin xukunka Maxkamada ku riday Madaxweynihii hore ee dalka Sudan ayaa waxaa gudaha maxkamada ka dhacay rabshado kadib markii taageerayaasha Al Bashiir ku buuqeen in dacwadaha loo heesto ay tahay mid siyaasadeed.

Madaxweyne Al Bashiir dambiyada lagu soo eedeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in uu ku kacay Musuq maasuq gaar ahaan lacag 25-milyan oo ah oo gurigiisa laga helay markii xilka laga tuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -