Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin ka qeyb qaatay Bur burinta Masjidkii Babri oo hada dhisay 90-Masjid

Nin qeyb ka ahaa burburinta Masjidka Babri ee kuyaalay magaalada Ayodha ee dalka Hindiya sannadkii 1992 ayaa qaatay diinta Islaamka, wuxuuna ninkan dhisay in ka badan 90 Masaajid si uu gefkiisa u saxo .

“Waxaan u nadray inan Masjidkaas u burburiyo Ilaaha Ram oo kaddibna uga dhiso macbad, laakiin markii aan garowsaday gefkii iga dhacay waxaan balan ku qaaday inaan dhiso 100 masaajid,” ayuu yiri Balbir Singh.

Wuxuu kamid ahaa koox Hindu ah oo sannadkii 1992 burburiyay Masjidka Babri ee ku yaal Ayodha taas oo ay daba-xigtay rabshado iyo iska hor imaad ay ku dhinteen 2,000 oo u badan Muslimiin.

“Markii aan burburinay Masaajidka, waxaan ku laabanay guryaheenna halkaas oo sidii geesiyaal naloo soo dhaweeyey.” ayuu yir. “Laakiin marnaba ma dareemin deganaan ruuxi ah.”

Sidaas darteed wuxuu la kulmay wadaadka daaciga ah ee Maulana Kaleem Siddiqui. Kaddib faham buuxa oo uu ka qaaday micnaha xeesha dheer ee diinta Islaamka, bishii Dec sannadkii 1993 ayuu islaamay.

Maanta, Singh oo magaciisa u bedelay Mohammed Amir, wuxuu guursaday gabar Muslimad ah, wuxuuna hoggaan u yahay madrasad Islaami ah oo ku taal Hyderabad, waxa uuna dhisay ilaa 90 masaajid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo soo saaray war ka farxiyey Soomaaliya iyo dalal kale

Caydiid Ali

Nin muddo bil ah kaynta Amazon xasharado ku cunayay, biyaha roobkana kabahiisa u hoorsanayay

Cabdi Cade

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---