Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qareeno Weerar Khasaaro dhimasho sababay ku qaaday Isbitaal !! (Daawo Sawirada)

Saddex bukaan ayaa geeriyootay markii ay boqollaal qareenno ah weerar ku qaadeen isbitaal ku yaalla magaalada Lahore ee dalka Pakistan, xilli uu socday mudaharaad salka ku haya muran u dhaxeeya Dhakhaatiirta iyo Qareennada.

Muuqaal lagu shaaciyay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ayaa laga arkayaa qareennada oo qalalaase ka sameynaya qeybaha ay bukaannada wadnaxanuunka ku jiraan ee isbitaalkaas, iyagoo markaas garaacayay shaqaalaha, qalabkana burburinayay.

Cabsi badan ayaa ka jirtay halkaas, dhakhaatiirtii iyo howlwadeennadii kale ee caafimaadka ayaana wada dhuuntay.

Arrintaas ayaa sababtay inay daryeel heli waayaan bukaano ay ku jireen kuwo ay xaaladdoodu aad u liidato.

Booliska ka hortagga rabshadaha ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa si ay ugu kala eryaan qareennada qalalaasaha sameynayay, iyagoo 20 ruuxna xabsiga u taxaabay.

Qareennada ayaa ka careysnaa hab dhaqan qallafsan oo dhakhaatiirta isbitaalkaas lagu eedeeyay inay bishii lasoo dhaafay ku sameeyeen qareenno saaxiibbadood ah.

Hase ahaatee arrinta ugu dambeysay ee sababtay qalalaasaha ayaa u muuqata inay tahay caro ka dhalatay muuqaal baraha xiriirka bulshada lagu shaaciyay oo muujinayay dhakhtar habeennimadii Talaadada ku maadeystay qareennada.

Sida laga soo xigtay maamulka isbitaalka, in ka badan 200 oo qareenno ah, oo ulo watay, ayaa weeraray isbitaalka maalintii Arbacada.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qareennadu ay si xoog ah ku gudbeen ilaaladii amniga isbitaalka, ka dibna ay kooxo isku kala qeybiyeen, iyagoo weeraray qeybo kala duwan oo ka mid ah waaxyaha isbitaalka.

Muuqaal lasoo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qareennada – oo xiran dharka suudadka iyo garabaatiyo – islamarkaana burburinaya qalabka isbitaalka iyo daaqadaha, waxayna garaacayeen shaqaalaha iyo saraakiisha kale, oo uu ka mid ahaa wasiirka warfaafinta ee ismaamul goboleedka Punjab, Fayazul Hasan Chauhan.

Wasiirka la garaacay ayaa halkaas u tagay si uu xasiloonida u soo celiyo.

Waxay sidoo kale weerareen goob hoy u ah kalkaalisooyinka Isbitaalkaas, halkaasoo ay ka jajabiyeen alaabtii taallay, sida lagu sheegay warqad cabasho ah oo ay qoreen maamulka Isbitaalka.

Qareennada ayaa waxay burbur gaarsiiyeen gawaari taallay bannaanka hore ee isbitaalka, iyagoo dab qabadsiiyay ugu yaraan hal gaari oo ka mid ah kuwa ay boolisku wateen.

Qaar ka mid ah mudaharaadeyaasha ayaa la sheegay inay rasaas kor u rideen markii ay goobta tageen ciidanka ka hor-tagga rabshadaha.

Ilo-wareedyo laga helay isbitaalka ayaa sheegay in ugu yaraan saddex bukaan, oo kala ah haweeney iyo labo nin, ay u dhinteen sabab la xiriirta dhakhaatiirta oo daryeeli waayay qalalaasaha awgiis.

Waxaa la aaminsan yahay in haweeneydu ay ku jirtay qeybta la dhigo bukaannada ay xaaladdoodu aadka u liidato.

Boolis dheeraad ah ayaa ugu dambeyn la geeyay halkaas, waxaana iskudhacyo dheeraad ah oo dabasocday ku dhaawacmay tiro qareenno ah.

Qareennada ka qeyb qaatay weerarka isbitaalka ayaa si weyn loogu cambaareeyay warbaahinta Pakistan.

“Dadka reer Pakistan waxay muddo sannado ah goob joog u ahaayeen qalalaase ay sameynayeen dad qareenno ah”, sidaas waxaa Khamiistii tiri mid ka mid ah wariyeyaasha telefishin lagu magacaabo Geo TV.

Afrasiab Khattak, oo horay guddoomiye uga ahaa ururka madaxa bannaan ee u dooda xuquuqda aadanaha Pakistan(HRCP), ayaa bartiisa Twitter-ka ku cambaareeyay dhacdadaas.

Maamulka Gobolka Punjab oo ka cabsi qaba inay mudaharaadyo kale oo rabshado wata dhacaan ayaa dalbaday ciidamo dheeraad ah.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha Masar iyo Madax kale oo kulan sagootin la qaatay Ilyas Sheekh Cumar (Sawirro)

Cabdi Cade

Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Rag loo heesto qaraxii ka dhacay Isgooska Soobe oo Maxkamad lasoo taagay

admin