Kooxo hubeysan oo ka dhex dagaalamaya hotelka SYL iyo Rasaas weli ka socota

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka soo baxaya rasaas culus oo goor dhow ka bilaabatay hotelka SYL oo ku yaalla agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Warar aanu ka heleyno ilo kala duwan ayaa sheegaya in rasaasta ay bilaabatay markii rag hubeysan oo loo badinayo iney ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar ku qaadeen hotelkan oo aad loo ilaaliyo.

Ragga hubeysan ayaa ku socday lugta taasoo ah xeelad cusub, iyadoo la ogyahay in Al-shabaab marka ay fulinayaan weeraradan oo kale ay adeegsan jireen gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyey oo ay ku furan jireen albaabka.

Ilaalada hotelka iyo dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa iney agagaarka hotelka isku weydaarsadeen rasaas xooggan oo laga maqlayey qeybo ka mid ah caasimada, iyagoo markii dambena gudaha u galay hotelka  oo ay degan yihiin xildhibaano, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada

Dableyda weerarka soo qaaday ayaa la sheegay iney ka kooban yihiin 5 nin, ayna wateen dareyska ciidamada dowlada, qoryaha fudud iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.

Xaalada nawaaxiga Madaxtooyada iyo hotelka SYL ayaa kacsan, waxaana weli la maqlayaa rasaasta oo marna xoogeysaneysa marna qaboobeysa, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan.

La soco wixii soo kordha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -