Nin baraha bulshada ku qoray ereyo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland oo xabsi lagu xukumay

Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa xukun ku riday maanta Qoraa Maxamed Keyse Maxamuud oo lagu eedeeyay aflagaaddo liddi ku ah madaxda Maamulka Somaliland.

Maxamed Kayse Bigeeye ayaa lagu xukumay hal sano iyo lix bilood oo xarig ka dib markii bogga uu ku leeyahay Facebooga uu ku soo qoray erayo ka dhan ah Madaxweynaha Somaliland.

Maxamed oo muddo dhowr bilood ku jiray xabsiga ayaa facebookiisa ku qoray erayo ay ka mid ahaayeen “Madaxweynaha Somaliland Waa Local”.

Shalay ayey aheyd markii maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa ay saddex sanno oo xarig ah ku xukuntay Naciima Qorane oo ka mid ah hal abuurka dhallinyarada, taasoo lagu eedeeyay iney bogeeda facebook ku soo qortay ereyo ay ku taageereyso midnimada Somalia.

Maamulka Somaliland ayaa iyo had iyo jeer caburin iyo xarig kula kaca qaar ka mid ah dadka ka soo jeeda maamulkaas ee fekerkooda ku muujiya iney taageersan yihiin midnimada Somalia, arintaasoo xad gudub ku ah xoriyatul qowlka iyo dimoqraadiyada uu sheegto Maamulkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -