Kenya oo loo doortay xil culus oo halis ku noqon kara dacwada Badda

Kenya ayaa mar kale dib loogu doortay hoggaanka ururka caalamiga ah ee Badaha, kadib shir ka dhacay magaaladda London.

Arrintan ayaa ku soo aaday, iyadoo haatan ay taagan tahay dacwada dhinaca badda oo u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya taasoo haatan hortaallaa Maxkamadda ICJ oo la filayo inay go’aan ka gaarto.

Kenya ayaa wakiil ka ah wadamada dhaca Bariga Afrika ee kala ah Burundi, Democratic Republic of Congo, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda.

Wasiirka badaha ee dowladda Kenya Nancy Karigithu ayaa sheegtay in Kenya ay u  suuragelineyso guushani inay qeyb ka noqoto go’aan ka gaarida arrimaha badaha ee guud ahaan dalalka caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -