Faahfaahin: Dayuurado dagaal oo duqeyn ka geystay nawaaxiga degmada Jilib

Dayuurado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyey nawaaxiga degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Duqeynta ayaa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaadka Al-Shabaab iyo ilaaladiisa, xili uu shir ka soo baxay kuna sii jeeday degaano hoos gobolka Jubada dhexe.

Saraakiil xog ogaal ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray sarkaalka iyo ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in duqeynta ay dhacday wax yar kadib markii uu soo dhamaaday shir xasaasi ah oo ay lahaayeen xubno sare sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Weli ma jirto cid sheegatay duqeynta xalay ka dhacday degmada Jilib inkastoo ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ay inta badan sheegtaan duqeymaha noocan ah ee lala beegsado Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -