Daawo Sawirada : Sida ay u bur bureen qaar kamid ah Laamiyada Muqdisho

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka da’ayay roobab xoogan oo saameyn badan ku yeeshay dadka iyo duunyada kunool magaalada.

Roobabka oo si xoogan u da’ayay ayaa sababay in ay bur buraan qaar kamid ah laamiyada magaalada Muqdisho gaar ahaan laamiyo mudooyinkii ugu dambeeyay lagu sameeyay dib u dhis.

Waxaa sidoo kale roobka bur buriyay wadooyin badan oo jay ahaa oo dhax marayay xaafadaha magaalada Muqdisho, waxaana gaadiidka ku adkaatay in ay si caadi wadooyinka magaalada ku dhax maraan.

Wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale fadhiistay biyo badan oo roobku dhigay, waxaana adag wadooyinkaasi in ay maraan dadka iyo gaadiidka kala duwan.

Laamiyada uu bur buriyay roobka ayaa ah kuwo ay dhiseen shirkado Soomaali leeyihiin , waxaana laamiyadaasi la sheegay in markii hore aan loo dhisin si tayeesan, mana jiro roobabka wax bur bur ah ay u geesteen laamiyadii ay dhiseen Shirkasha Turkida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -