Ibraahim Shig Shigow oo is dhiibay kadib awood xad dhaaf ah oo loo adeegsaday

Gudoomiyihii hore ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa is dhiibay kadib weerar xoogan oo shalay ay ku qaadeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helayay ciidamo Itoobiyaan ah.

Ibraahim Maxamed Nuur shig-shigow ayaa ka biyo diiday xil ka qaadis dhawaan lagu sameeyay , waxa uu sidoo kale diiday in uu wareejiyo xilka Gudoomiyaha degmada oo loo magacaabay masuul cusub.

Ciidamo daacad u ahaa Gudoomiyaha xilka laga qaaday ayaa shalay dagaal looga saaray degmada Diinsoor, waxaana xalay xili dambe Gudoomiyaha xilka laga qaaday iyo ciidamo la socday isku soo dhiibeen maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiiro katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo waxgaradka degmada Diinsoor ayaa dadaal u galay sidii loo xalin lahaa xiisadii ka taagneyd Degmada Diinsoor, waxa ayna ka shaqeeyeen in Shig Shigow si nabdoon magaalada ugu soo laabto.

Degmada Diinsoor waxaa ka socda kulamo lagu xalinayo xiisadii ka dhalatay xil ka qaadista Gudoomiyihii degmada Diinsoor iyo dagaalkii khasaaraha geestay ee shalay ka dhacay Degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -