Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hooyo lagala wareegay todoba caruur ah oo keligeed Somalia loo tarxiilayo (Sawirro)

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa gabar Soomaali ah ku xukuntay sanad iyo sagaal bilood oo xariga ah, kadibna in dalka laga saaro oo lagu celiyo Somalia.

Maxkamadda ayaa sidoo kale go’aamisay in gabadhan laga qaado oo dowladda ay kala wareegto caruur tiradoodu gaareyso oo ay dhashay.

Maxkamadda ayaa gabadhan ku eedeysay in caruurta ay hagardaameyn jirtay ayna dili jirtay sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Arintan ayaa soo laabatay sanadkii hore ka dib markii mid ka mid ah caruurta uu wacay booliska isagoo u sheegay iney mar kasta garaacdo hooyadood taasoo keentay in la xiro haweeneyda lagana kaxeeyo caruurta oo da’doodu u dhexeyso 3 illaa 15 sano jir.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Denmark ayaa wada olole xoogan oo ay ku doonayaan iney dib loogu mideeyo hooyadaas iyo caruurteeda, si looga hortago in keligeed loo tarxiilo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsanaa Qunsuliyadda Itoobiya ee Garawe oo lagu dilay Laascaanood

Cabdi Cade

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Warar kala duwan oo kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo taliyeyaasha ciidamada hor dhigay iney kala doortaan 2 arrimood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---