Agaasime doonayey inuu isku qarxiyo xarunta Gobolka Banaadir oo la qabtay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa sheegay in hay’addaha Sirdoonka dowladda ay xireen Agaasime ka tirsan gobolka Banaadir oo qorsheynayey inuu fuliyo qarax ismiidaamin ah.

Cumar Filish oo booqasho ku jooga dalka Koonfur Afrika ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan.

“Qaraxii uu ku dhintay Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng. Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale waxaa fulisay Agaasime ka mid ahayd maamulka Gobolka, waxaa haatan la qabtay mid kale oo damacsanaa inuu isqarxiyo” ayuu yiri Cumar Filish.

Waxaa uu intaas ku daray Cumar Finish in Agaasimaha la qabtay uu qirtay inuu doonayay inuu is qarxiyo, balse ay ka hortageen ciidanka amniga oo markii hore ka shakiyey dhaqdhaqaaqiisa ugu dambeyna qabtay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ma sheegin agaasimaha la qabtay magaciisa iyo nooca xilka uu hayey.

Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Allaha u naxariistee Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo, Agaasimayaal dhowr ah iyo xubno kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka ayaa ku naf waayey qarax ismiidaamin ah oo 24-kii July ee sanadkan Xarunta Maamulka Gobolka, waxaana qaraxaas fulisey haweeney Camoole aheyd oo ka tirsan agaasimeyaasha gobolka Banaadir sida ay sheegeen heyadaha amaanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -