Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay garoonka Ciyaaraha Baraawe

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay qarixii shalay galab Al-shabaab ku dileen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose.

Farmaajo ayaa tilmaamay in cadawga kaliya ee maanta dalka dhibaatada ku haya uu yahay Alshabaab, loona baahan yahay in dowlad iyo shacab laga wada qeyb qaato sidii loo wiiqi lahaa.

“Sida aad ogtihiin Baraawe waxay ku qarxiyeen dhallinyaro aan waxba galabsan oo kubad iska ciyaaraya, Cadawga kaliya ee aan leenahay waa iyaga, waxaana u baahannahay wax ka yar labo sano oo aan isku duubni ula dagaalanno Alshabaab” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday qaraxaas ka dhacay degmada Baraawe, isagoo Alle uga baryay kuwa dhaawaca ah inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, toban kalena wey ku dhaawacmeen qaraxii shalay ka dhacay garoonka ciyaaraha Baraawe, kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab daawanayey ciyaar halkaas ka socotay, waxaana qaraxaas sheegatay kooxda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -