NISA oo Shaacisay in uu jiro Shirqool la doonayo in lagu dilo Farmaajo iyo Rooble

Qoraal goordhaw kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Al Shabaab maleegayaan shirqool ay ku dilaan Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Hay’adda NISA qoraal ay soo saartay ayey ku sheegtay in madaxda dalka la wadaageen shirqoolka Al Shabaab maleegayaan kuna doonayaan in ay ku beegsadaan Madaxda dalka ugu sareysa gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble.

Qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in qorshaha fulinta lagu beegsanayo madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha uu wado nin katirsan Al Shabaab oo lagu magacaabo Maxamed Daahir.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale ku cadeesay in ay ku daba jiraan cid kasta oo ku lug leh qorshahan ay maleegayaan Al Shabaab kuna beegsanayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda.

Qoraalkan kasoo baxay NISA ayaa abuuray shaki badan oo laga qabo in uu jiro qorshe lagu beegsanayo Rooble, waxaana qoraalkan imaanayaa xilli uu hada meel xun sii gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -