Safar ay saakay Baladweyne ku tagi lahaa Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo baaqday iyo Sababta keentay

Waxaa saakay la filayay in magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay gaaraan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulan xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu magacaabay guddiga gurmadka ee Madashaasi, waxaa sidoo kale lagu go’aamiyay in Hogaanka Madasha iyo Xasan Sheekh in ay tagaan Baladweyne.

Wafdigan ay hogaamin lahaayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayaa la filayay in ay qiimeyn kusoo sameeyaan inta ay la egtahay dhibaatada ka dhalatay fatahaada Wabiga Shabdelle ka sameeyay magaalada Baladweyne.

Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo katirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijiyay in safar saakay ku tagi lahaayeen Baladweyne Madaxdii hore ee dalka uu baaqday kadib markii uu xirmay garoonka Diyaaradaha Baladweyne.

Waxa uu sheegay in xalay iyo saakay roobab saacay badan socday ka da’een magaalada Baladweyne ayna sababeen roobabkaasi in uu xirmo biyana fariistaan garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa qorsheesay in magaalada Baladeweyne gaarsiiyaan gar gaar loogu tala galay in lagu caawiyo dadka ay saameesay fatahaada Wabiga Shabelle ee hada kunool duleedka magaalada Baladweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -