Ciidamada AMISOM oo tagaya farumaha dagaalka ee deegaanada Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo isniin ah shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga ee Jubbaland, kulankan ayaana ah mid bishiiba mar la qabto.

Waxaa ka qayb-galay kulanka Madaxweyne ku xigeenka koobad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM.

Kulankan ayaa intii uu socday waxaa diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo muhiim ah oo ay kamid tahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo la dagaalanka kooxaha loogu yeero argagaxisada.

Waxaa sidoo kale oo kulankan looga hadlay sidii loo balaarin lahaa xarunta wadaaga xogta, taas oo wax badan ka taraysa isku xirnaanta dhinacyada kala duwan ee helista xogta cadowga.

Kulanka ayaa la isku raacay in Ciidamada AMISOM tagaan furimaha hore ee ay ka howlgalaan Ciidamada Jubbaland si ay kaalintoodu u noqoto mid wax ka tarta kaalmada ay u baahan yihiin Ciidamada oo ka howlgala inta badan deegaano aysan joogin  AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -