Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dhaliilay Madaxda sare ee Dowlada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdarashiid Cali Sharmar’arke ayaa Madaxda sare ee hogaamisa dowlada federaalka Soomaaliya ku dhaliilay sida ay u wajaheen xaalada adag ee xiligan ka taagan magaalada Baladweyne.

Waxa uu sheegay Mr Sharmar’arke in laga doonayay Madaxweynaha ama Ra’isul Wasaaraha in midkood tago magaalada Baladweyne si ay hormuud iyo astaan ugu noqdaan u gurmashada dadka ay fatahaadu saameynta ku yeelatay.

‘’Astaanka ugu wanaagsan gurmadka loo fidinayo dadka reer Beledweyne waxey noqo laheyd haddii uu halkaa tagi lahaa madaxweynaha ama Ra’iisal Wasaaraha midkood, iyaga oo ku soo jeedinaya idhaha deeq bixiyayaasha xaalada adag ee magaalada ka jirta,’’ ayuu yiri Cumar Cabdarashiid.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya in markii ay dhacaan musiibooyin iyo xaalad deg deg ah laga rabo dowlada in markiiba jawaab deg deg ah ka bixiso ayna raadiso shaqaale badan oo lagu maareeyo xaalada jirta.

‘’Marka ay masiibooyinka oo kale dhacaan dowladda iyada ayaa laga rabaa in markiiba jawaab deg deg ah ka bixiso, dadkaasi waxey u baahan yihiin gargaar ku kacaya qiyaastii 5,000,000 dollar dowladda xitaa haddii aysan heyn waa in ay soo deysataa, marka danbe lacagtaa deynta ah xooggeeda waxaa lagu bixinayaa lacagaha iyo deeqaha kale ee hadda la uruurinayo’’ Ayuu yiri Mr Sharmaarke.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in fatahaadan oo kale ay ku dhacday magaalada Baladweyne xiligii uu dalka Ra’isul Wasaaraha ka ahaa, balse ay ka yareyd khasaaraha mida hada jirta, waxa uuna ku baaqay in la helo qorshe biyaha mar walba magaalada ku soo rogmada  looga weecin karo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -