Ciidamada Dowlada oo goordhaw dagaal kula wareegay Degmo ay maamuleysay Kooxda Ahlu Sunna

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada milatariga Soomaaliya iyo ciidamo kale oo taabacsan kooxda Ahlu Sunna.

Sida aan wararka ku helnay dagaal mudo kooban socday kadib ayaa la sheegay in ciidamada Ahlu Sunna isaga baxeen degmada Matabaan, waxaana xaafadaha kala duwan ee degmadaasi hada ku sugan ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu degmadaasi saakay gaaray Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo hubeesan oo katirsan Ahlu Sunna ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah uu la socday Wasiirka arimaha gudaha xili uu galayay degmada Matabaan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale halkaasi ay ku dagaalamaan ciidanka milatariga Soomaaliya ee ku sugan iyo kuwa Ahlu Sunna oo iyana ku sugan duleedyada degmadaasi.

Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kooxda Ahlu Sunna ayaan wali labaduba ka hadal dagaalka goordhaw ka dhacay degmada Matabaan, waxaana dagaalkan uu imaanayaa xili uu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeyay Ahlu Sunna iyo Wasaarada arimaha Gudaha.

- Advertisement -