Wasiirka Arrimaha gudaha DF oo eedeymo culus u jeediyey hogaanka Ahlu Sunna

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriya oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay heshiis hoose oo ay horey dowladda la gashay hoggaanka Ahlusunna.

Waxaa uu sheegay in iyadoo la badbaadinayo Galmudug Ahlu sunna lagula heshiiyay heshiis ka kooban afar bog si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay.

Heshiiskaas ayuu sheegay in Ahlusunna shuruud ka dhigtay in Xildhibaannada la dhisi doono laga siiyo 35 Xildhibaan, iyadoo la fiirinayo danta Galmudugna ay Dowladda ogolaatay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hoggaanka Ahlusunna ay baraha bulshada ku baahiyeen Warqad cadeyneysa in 89 Xildhibaan ee Galmudug laga siiyo 35 Mudane, balse aysan jirin cid ka dafirtay maadaama looga iibsaday midnimada Gamudug.

Waxaa uu ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay isbaaro u dhiganayaan hanaanka soo xulista xildhibaannada Cusub ee Maamulka Galmudug oo looga fahdiyo Odayaasha Dhaqanka, ayna isku dayayaan in carqaladeeyaan Galmudug mideysan.

hoggaanka Ahlusunna ayuu sidoo kale ku eedeeyey iney warqad dacwad ah u gudbiyeen beesha caalamka iyo dalalka dambeeya arrimaha Somalia taasoo uu sheegay inay xadgudub ku tahay qaranimada dalka

Warqadaas ayuu sidoo kale sheegay inay ku qorneyd in weerar la doonayey in lagu khaarajiyo Sheekh Shaakir uu ka dhacay xaafiiskiisa iyo qodobo kale oo eedeyn ah arimahaasoo uu sheegay iney iyaga la yaab ku noqotay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -