Wasiir Beyle oo Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Dowlaadda Federaalka ee Soomaalia Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan Magaalada Abidjan ee Dalka Ivory Coast ayaa kulan u la yeeshay gudoomiye ku xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika waxay kaga wada hadleen sidii Bangigu dhinacyo badan uga taageeri lahaa Soomaaliya gaar ahaan dadaalada Deyn Cafinta Soomaaliya.

Socdaalka Wasiir Beyle ayaa ujeedadiisu tahay, sidii uu Madaxda Bankiga Horumarinta Afrika ula wadaagi lahaa Horumarka Maamulka Maaliyada Soomaaliya laga sameeyey iyo kor u qaadista Dakhliga gudaha Dalka.

Khaalid Shariif oo ah Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Hormarinta Afrika ayaa soo dhaweeyey sida ay Soomaaliya uga go’antahay inay ka waqti kooban kaga gudubto dhibaatooyinkii dhaqaale ay lasoo kulantay muddadii Burburka, waxa uu xusay sida ay dhankoodu ugu heelanyihiin inay Soomaliya ka gacan, sidii Deynta looga cafin lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa dhawaan Magaalada Washington kaga qeybagalay shirkii sanadlaha ahaa ee Hay’adda lacagta Aduunka iyo Bangiga Aduunka, halkaas oo uu wasiirku kulamo kula yeeshay madaxda labada Hay’adood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -