Dhismaha Xarunta Keydka Taariikhda Somaliland oo la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo binaynayo xarun lagu keydin doono keydka Taariikhda Somaliland, kaas oo laga hirgelin doono goobtii ay ahaan jirtey Khayriyadii hore ee Hargeysa.

Dhismahan oo ay hirgelin doonto madaxtooyada  Somaliland, ayaa dhagax-dhiggeeda waxa hadallo ka jeediyey masuuliyiin, abwaanno iyo ganacsato kala duwan, kuwaas oo ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani ..

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa ku dheeraaday taariikhdii ay soo martay xarunta Khayriyada Hargeysa ee haatan laga dhisayo Keydka Taariikhda Qaranka, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay goobtaasi tahay xarun bulshada reer Somaliland Taariikh dheer u leh oo ku habboon in laga dhigo madal Taariikhda bulshada lagu keydiyo.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u sharraxay waxyaabaha la doonayo in lagu keydiyo xarunta cusub ee loo dhisayo keydka Taariikhda ,“Halkan waxaynnu ka doonaynaa in Taariikhdeenaa shanta kun ee sanno ah wixii ina soo maray ee jirey, talo haddii ay tahay, haddii ay dhaqan tahay iyo haddii ay Saynis iyo cilmi tahayba, lagu keydiyo, dad baynnu ahayn dhisan oo isku filan oo noloshoodu isu miisaaman tahay oo sida ay u noolaanayaan iyo waxa ay qabanayaan garanaya, wixii baynnu rabnaa inaynnu halkan kusoo ururinno oo ka faa’iidaysanno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xarunta cusub ee uu madaxweynuhu maanta dhagax dhigay, ayaa noqonaya mid loo asteeyey in laga helo dhammaanba wixii taariikh iyo cilmi ah ee ay bulshada reer Somaliland lahayd, waxana uu madaxweynuhu ugu baaqay inay shacabku dhammaanba soo ururiyaan wixii Taariikh ah ee ay hayaan, si looga faa’iidaysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -