Laamiyo ku yaala Muqdisho oo dumay & Shirkadihii dhisay oo lagu dhagan yahay (Sawirro)

Roob xoogan oo xalay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay in ay dumaan qaar kamid ah laamiyada kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa ay dhiseen Shirkado gaar loo leeyahay.

Laamiyada kuyaala magaalada Muqdisho qaarkood ayaan u adkeesan karin roobka xoogan, waxaana durba bur buray laamiyo sanadihii ugu dambeeyay la dhisay, waxaana laamiyada bur buray la sheegay in markii hore aan loo dhisin si tayo leh.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta koreeray qaar kamid ah laamiyada bur buray iyo wadooyinka ay biyaha badan fariisteen.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lala xisaabtami doono Shirkadahii dhisay Wadooyinka Muqdisho qaarkood gaar ahaan kuwa ay Daadadka Roobkii ugu dambeeyay  bur buriyeen.

Laamiyada kuyaala Muqdisho gaar ahaan kuwa ay dhiseen Turkida ayaan saameyn badan ku yeelan roobka ka’da magaalada Muqdisho, hasa ahaatee roobabkii ugu dambeeyay ayaa marar badan bur buriyay laamiyo kale ay dhiseen Shirkado gaar loo leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -