Masaajid dumintiisa uu dhiig badan ku daatay oo lagu bedelay Macbad (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in macbadka Hinduga ee laga furay magaalada Ayodhya uu yahay astaan casri ah oo ka turjumeyso dhaqanka dadkaas.

Wuxuu hadalkan sheegay xilli uu maanta dhagax dhigayay macbadkaas oo dhaliyay muranka badan

Dadka hinduuga ah ayaa sannadkii 1992-dii burburiyay masaajidkii 16-ka qarni dhisnaa, waxaana tallaabadaas ka dhashay qalalaase ay ku dhinteen 2000 qof oo u badnaa muslimiin ka dhiidhiiyey duminta masjidkaas.

Dhismaha macbadkan waxay ka mid aheyd ballan qaadyada Ra’iisul wasaare Modi balse dadka dhalleeceeyaa siyaasaddiisa ayaa sheegayaa in maanta ay tahay maalin mugdi ah isla markaana munaasabadda furitaanka macbadka ay muujin karto tallaabo lagu gacan bidixeynayo muslimiinta laga tirada badan yahay.

Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa Sannadkii lasoo dhaafay dhulkan u xukuntay dadka Hinduuga ah kaddib tobonaan sanno oo lagu muransanaa, rabshado dhiig badan uu ku daatayna ay ka dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -