Axmed Madoobe: “In caleemo saar kaliya laga qeyb galo looma imaanin Kismaayo”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo taageerayaashii u doorteen dhowaan Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Kismaayo aan loo tegin kaliya caleemo saarkiisa lagu qabanayo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Kismaayo loo yimid arrimo kala duwan oo ay ka mid ah yihiin in wadahadal laga yeesho xaalada siyaasadda dalka iyo Madaxda halkaas isugu tagtay ay wax isweydiiso arrimo oo muhiim ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay talo iyo in la isweydiiyo halka loo socdo.

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan madaxda halkan iskugu timid, waxaan ku faraxsanahay inaan Kismaayo idinku soo dhoweeyo, gaar ahaan Shiikh Shariif oo maalmo badan sugayey inuu yimaado Kismaayo, waan ka xaal marinaynaa ka soo qaad adigoo maalmahaas joogay garoonka Kismaayo” ayuu yiri Axmed Madoobe la kaftamayay Shiikh Shariif.

Madaxweynayaashii hore ee dalka, madaxweynaha Puntland, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ayaa maanta gaaray Kismaayo ka dib markii dowladu Somalia qaaday xanibaadii saarneyd duulimaadyada magaaladaas, waxayna halkaas u tageen iney ka qeyb galaan caleemo saarka Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -