Maxkamada ICJ oo u yeertay Masuuliyiin ka tirsan dowladaha Somalia iyo Kenya

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka holand, kaddib markii ay u yeertay Maxkamadda ICJ oo ay taalo dacwada badda ee u dhexeysa Somalia iyo Kenya.

Qareenka Guud ee dalka Kenya Kennedy Ogeto ayaa isna gaaray magaalada Hague oo sidoo kale looga yeeray, iyadoo arrimo cusub ay ka soo kordheen kiiska badda.

Masuuliyiinta labada dal ayaa lagu wadaa in la ogeysiiyo go’aan kama dambeys ah oo Maxkamadda ICJ ka gaareyso xiliga dhageysiga dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii Maxkamada la gaarsiiyey codsi cusub oo Kenya ku dooneyso in dhageysiga Maxkamadda dib loogu dhigo illaa September sanadka 2020 taasoo Somalia ay si weyn u diidan tahay.

Dhowaan ayey aheyd markii Maxkamadda ICJ ay labo bilood dib u dhigtay dhageysiga dacwada oo loo balansanaa bishii September ee la soo dhaafay, waxaana loo qorsheeyay in dhageysiga Maxkamadda ay dhacdo horaanta bisha November ee soo socota, iyadoo Kenya ay weli diidan tahay arintaas, waxaana la filayaa in maxkamadu ay gaarto xal meel dhexe ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -