Trump oo soo bandhigay talo yaab leh oo looga hortagayo qulqulka dadka tahriiba

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay talo yaab leh si looga hortago qulqulka dadka tahriiba taasoo in muhaajiriinta lugaha laga toogto si loo joojiyo, sida lagu qoray buug cusub oo soo baxay.

Buugan oo ay qoreen laba weriye oo u shaqeeya wargeyska The New York Times ayaa lagu sheegay in Trump uu soo jeediyay taladan si muhaajiriinta aysanba ugu dhiiranin inay Mareykanka u safraan.

Waxaa ka mid ah waxyaabaha kale ee uu ku taliyay Trump in la dhiso darbi dheer oo koronto lagu xiray iyo godod hoy u ah halaqa sida maska oo xadka laga sameeyo.

Dhismaha darbiga xadka Mexico wuxuu ka mid ahaa ballanqaadyada uu Trump ku galay ololaha doorashada 2016, waxaana si weyn loo dhaleeceeyaa siyaasada Trump ee la xiriirta dadka soo galootiga ah.

Dhismaha darbiga ayaa billowday, waxaana la sheegay in wasaaradda gaashandhigga Mareykanka ay u qoondeysay 3.6 bilyan oo doolar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -