Taliyaasha ugu sareeya ciidanka dowladda oo Shir Xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya waxaa ka dhacay shir xasaasi ah oo looga hadlayay ammaanka guud ee dalka, waxaana shirkan yeeshay taliyaasha ugu sareeya ciidanka dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen taliyaasha ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, taliyaha ciidanka booliiska S/guuto Sulub Axmed Firin iyo taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa lagu lafa guray xaalada amniga guud ee dalka.

Taliyaasha ayaana sidoo kale shirkooda uga hadlay sugida amniga guud ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho , waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

Shirka ay yeesheen taliyaasha ugu sareeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli habeen hore Al Shabaab weerar qorsheysan ka fuliteen saldhig ciidan oo kuyaalla degmada Kaxda, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -