Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Saxiixaya Sharci Muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuq maasuqa ee labada heer.

Sharcigan uu saxiixayo Madaxweynaha oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta Madaxweynaha saxiixo kadib munaasabad kooban oo lagu qabanayo xarunta Madaxtooyada.

Madaxweynaha Soomaaliya sharcigan uu saxiixayo ayaa muhiimad gaar ah u leh jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, waxaana guddigan hadii la dhiso la filayaa in ay wax ka qabtaan musuq maasuqa la degay Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta wadamada ugu musuq maasuqa badan caalamka, waxaana dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo marar badan balan qaaday in ay la dagaalami doonto musuq maasuqa dalka la degay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Somaliland oo ciidanka DDS ku eedeysay iney ka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Netanyahu: “Dharbaaxo xun ayaan gaarsiinay cadawgeena”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---