Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Dhuusamareeb ugu diyaar garowday soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo?

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa ka socota magaalada Dhuusamareeb, iyadoo Ciidamada ammaanku ay xaqiijinayaan amniga Caasimada Galmudug oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha dega degaanada Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareb.

Wafdi iyo ciidamo hordhac u ah safarka Madaxweynaha ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Madaxweyne farmaajo uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiin, waxgarad iyo qeybaha bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Cali Dheere oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda Daacish Somalia

Caydiid Ali

Mid ka mid ah Musharaxiinta loolanka adag kula jiray Erdogan oo ka haray doorashada

Caydiid Ali

Prof. Saciid Ciise: “Qorshaha Itoobiya waxaa gadaal ka riixaya taageero dibadeed”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---