Shiikh Cali Dheere oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan kooxda Daacish Somalia

Afhayeenka guud ee Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish ee ka jirta qeybo ka mid ah Somalia.

Bayaan ka soo baxay hogaanka sare ee ee Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay soo if baxday koox uu xusay iney isugu yeertay Dowlada Islaamiga oo bilowday inay kala jebiso Mujaahidiinta, kana dhex abuuraan fitno iyo tafaraaruq, isagoo ku eedeeyey in kooxda Daacish ay ku dhaqaaqday arrimo ay ka mid yihiin inay baneysteen dhiigga Muslimiinta,  inay gaaleysiiyeen ciidankooda iyo bulshada Muslimka ah iyo inay kala jebiyeen midnimada Muslimiinta.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay wax badan indhaha ka laabteen dhibaatada ay kooxda Daacish waday, balse ay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii fogaadaan, wuxuuna ku eedeeyay inay ku caan baxeen beenta, ballan la’aanta, dhagarta, amaanada.

Al-Shabaab waxay kooxda Daacish ku eedeysay inay xiriir la leedahay maamullada dalka ka jira ayna gabbaad u yihiin basaasiinta sirdoonka heyadaha shisheeye.

“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhamaan ciidamada Mujaahidiinta iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan cudurkaas dillaaga ah ee soo dhexgalay safka Jihaadka, xididadana u siibaan dulmigaas aanan geedka loogu soo gaban ee lagu doonayo in lagu majaxaabiyo mirihii jihaadka ee aan ku soo bixinay dhiiga waa inaan kansarkaas la doonayo in lagu beero safka Mujaahidiinta salka ka jarnaa ayuu yiri Shiikh Cali dheere.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -