(Akhriso) Labo qodob oo guddiga metelayey Jawaari hor dhigeen Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo oo dedaal ugu jira xalinta xiisada ka taagan Baarlamanka ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay guddiyo matalayey dhinacyada uu Khilaafku u dhaxeeyo ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu ka dhageystay dhinacyaddaasi sidda loo xalin karo Khilaafka saameynta yeeshay ee golaha Shacabka.

Labadda dhinac ee la kulmay Madaxweynaha ayaa waxay u soo bandhigeen qodobo ay ka waddeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad Cabdiwali Muudey.

Guddiga metelayey dhinaca gudoomayaha baarlamanka yaa waxay madaxewynaha hor dhigeen labo qodob oo ay ka wadeen Jawaari si loo xaliyo Khilaafka kuwaasoo kala ah.

1-In cod qarsoodi ah loo qaado Mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari iyadoo la isticmaalayo Sanduuq

2-ama in lagu xaliyo tanaasul, islamarkaana cid walba ay qabsato shaqadeeda mooshinkana daaqada laga tuuro.

Wararka oo naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyadda ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu dalbaday inuu la kulmo  Guddoonka Baarlamaanka.

Guddiyadda dhexdhexaadinta wada qaarkood ayaa xaqiijiyay in ay jirto isku soo dhawaansho ku aadan sidii loo soo afjari lahaa Khilaafka.

Kulamada lagu xalinayo khilaafka Baarlamanka oo si xowli ah uga socda Madaxtooyada Somalia ayaa la filayaa iney manta halkooda ka sii socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -