Eritreya oo shuruud ku xirtay Xulka ku metelaya ciyaaraha dibeda si aysan u baxsanin

Xulka kubbadda cagta ee Eritrea ee aaday dalka Namibia si ay uga qayb galaan ciyaarta ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka ayaa meel laga dhigay rahan lacageed oo u dhiganta 7,000 oo doollar, si loogu cadaadiyo in ay dalka dib ugu laabtaan ciyaarta ka dib.

Arrintan ayaa caadi ka ahayd oo la waydiin jiray ciyaartoyda gudaha ka dheela si ay caddayn ugu noqoto in ay soo laabanayaan tartanka ka dib. Ciyaartoyda gudaha ka dheela waxaa la waydiiyaa inay bixiyaan 100,000 nakfa oo u dhiganta 7,000 oo doolar ama sabarloogo guri

Ciyaartoy badan oo reer Eritrea ah ayaa baxsaday oo aan dalka dib ugu soo laaban xili tartamo ciyaareed ay kaga qeyb galayeen dalal dibeda ah, waana sababta keentay arrintan.

Toban ciyaartoy oo ka tirsan xulka dalka Eritrea ayaa Sannadkii 2015  diiday in ay dalkooda ku laabtaan ka dib markii ay Botswana uga qayb galeen ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka, markii dambana magangalyo ayay dalbadeen, waxaana ka horeeyey ciyaartoy kale oo sidaasoo kale yeelay.

Eritrea ayaa guuldarro 2-0 aheyd dhabarka loo saaray markii ay talaadadii ay ciyaar isaga hor yimaadeen xulka dalka Namibia ciyaar ka tirsaneyd isreebreebka Koobka adduunka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -