Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Raisul Wasaare Khayre oo ka farxiyey bahda Isboortiga Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee magaalada Beydhabo.

Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol.

Wasiirka Ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Beydhabo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Beydhabo ayaa ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed.

Khayre ayaa horey dhaqaale sidan ugu deeqay garoomada ciyaaraha gobolada dalka qaarkood sida Garoowe, labada qeybood ee magaalada Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo meelo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/xGJEnVd05cQ

Related posts

Guddoomiye Madaale oo gurigiisa ku casuumay ninkii isaga lagu beddelay

Cabdi Cade

Tirada dhimashada qaraxii lala beegsaday Masjidka Pashwar oo labo jibaarantay (Sawirro)

Caydiid Ali

Muxuu Isbitalka Al-Shifa xudun ugu noqday dagaalka Israel iyo Xamaas?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---