Kalluumeysato lagu la’yahay xeebaha Muqdisho & dowlada Somalia oo digniin soo saartay

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa uga digtay kalluumeysatadda Soomaaliyeed inay badda galaan inta lagu guda jiro Xiliga bad xiranka taasoo ay suurtagal tahay iney dhibaatooyinka kala kulmaan gudaha badda.

Digniintan ka soo baxday Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ayaa ku soo aadeysa xili lagu galay waqtiga bad xiranka ee 3-da ah bil ah oo bilowday 15kii bishan.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ayaa lagu sheegay in kalluumeysatadu ka feejignaadan tagida meelaha  fof-fog ee Badda gudaheeda iyadoo la ogyahay  inaysan haysan qalab ku filan sida ay sheegtay Nadiifo Maxamuud Yuusuf oo ah Agaasimaha Waaxda Cilmi baarista ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.

Nadiifo ayaa sheegtay in xiligan aysan haysan Wasaarada qalabkii lagu badbaadin lahaa kalluumeystada xiliyada baddu ay kacsan tahay taasoo ay sabab u tahay burburkii dalka soo maray.

Inta lagu guda jiro xiliga Bad xiranka ayey sheegtay in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay la kulmaan khasaaroyin isugu jira Naf iyo Maal.

“Waxaa hadda gudaha Badda lagu waysan yahay 3 Doomood iyo dhamaanba dadkii saarnaa oo tira ahaan lagu qiyaasay 10 ruux” ayey tiri Nadiifo oo intaa ku dartay in kaluumeysatada aysan ka maarmin mihnadooda shaqo balse loo baahan yahay iney ka feejignaadaan khatarta ay badda kala kulmi karaan xiligan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -