Somaliland oo daah furtay Barnaamij Xaddidaya Xawaaraha Gaadiidka (Daawo Sawirada)

Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Barnaamij lagu magacaabo Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka (Speed Governor) kaasi oo marka lagu xidho gaadiidka xaddidi doona xawaaraha sare kuna soo celin doona mid hoose.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sharaxaad ka bixiyey Barnaamijkan Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka oo uu sheegay inuu wax badan ka tari doono bad-baadada shilalka gaadiidka oo beryihii u danbeeyey sare u kacay, islamarkaana ay sababtay xawaaraha sare ee gaadiidku ku maraan waddooyinka, ka dib markii ay qiimayn ku sameeyeen asbaabaha keena shilalka ay ku dhintaan dadka faraha badan.

Wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan waxa uu gaadiidlayda u sheegay gaar ahaan kuwa rakaabka qaada inay muddo saddex bilood gudahood ah ay gaadiidkooda ku xidhaan qalabka Xaddidaada Xawaaraha Gaadiidka isla mar ahaantaana uu shuruud uga dhigay in qofkasta oo darawal ka ah gaadiidkaasi uu sito sharcigiisii wadida Baabuurka (License).

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Gaadiidka  Barnaamijkan cusub ee ay soo kordhisay isagoona xusay inuu badbaado u yahay nafo iyo maalba oo Somaliland ka bixi jiray.

Madaxweyne ku xigeenku waxa kale uu xusay in adduunyadu maanta laga isticmaalo qalab casri ah kaasi oo loogu talo galay in lagaga badbaado shilalka gaadiidka, sidoo kalena waxa uu xusay hannaanka liisan qaadashada oo uu sheegay in aad loo adkeeyo maadaama adduunyada shuruudo adag lagu xidho qofka qaadanaya liisanka wadida gaadiidka.

Ugu Danbayntiina Salylici waxa soo dhaweeyey talaabo fiicana ku tilmaamay Barnaamijka Xadidaada Xawaaraha Gaadiidka oo uu sheegay inuu rajaynayo mid lagaga badbaado shilal badan oo sababi jiray inay ku naf waayaan khasaaro kale oo badana ka dhashaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -