Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo Geeriyooday

Wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa geeriyooday kadib markii uu wadno xanuun deg deg ah kusoo booday xili uu gaari ku dhax watay magaalada Qaahira.

Cabdulaahi Maxamed Mursi oo ahaa wiilka ugu yar wiilasha Madaxweynihii hore ee Masar ayaa ku geeriyooday isbitaal loo geeyay daaweyn sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay walaalkiis Axmed Mursi.

Warbaahinta dalka Masar iyo baraha bulshada ayaa si weyn looga hadal hayaa geerida deg dega ah ee ku timid wiilka Madaxweynihii hore ee dalka Masar , waxaana shacabka Masar badankood ilaah uga baryeen in wiilkaasi u naxariisto.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi ayaa bishii June ee sanadkan geeriyooday isagoo markaasi ku sugnaa Maxkamad ku taala Magaaladda Qaahira, waxaana geeridaasi dhalisay shaki badan.

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/f_WrnIQ_rQ0

Related posts

Musuq maasuq xoogan oo ka dhacay Xerada Ciidamada Balli-Doogle iyo baaris lagu bilaabay

Cabdi Cade

Dil argagax leh oo ka dhacay Kismaayo: Nin hooyadiis ku dilay gowrac oo la soo xiray

Caydiid Ali

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo Iskaashi cusub isku af-gartay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---