Sawirada Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu dhajiyay Wadooyinka Baydhabo iyo Sababta keentay

Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya oo la filayo in maalmaha soo aadan tago.

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Baydhabo ayaa lagu dhajiyay boorar ay ka muuqdaan Sawirada Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa sidoo kale baabuurta qaar iyana lagu dhajiyay Sawirada Ra’isul Wasaaraha.

Koox katirsan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa hada ku sugan magaalada Baydhabo, waxa ayna kooxdan wadaan qaban qaabada soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa marka uu gaaro  Baydhabo in uu la kulmo madaxda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo, waxaa sidoo kale la filayaa in Kheyre xariga ka jaro mashaariic kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -