Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamadii maanta la geeyay Dhuusomareeb oo la wareegay xarumo muhiim ah

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo si gaar ah u tababaran oo saakay magaaladaasi la geeyay la wareegeen xarumo muhiim ah oo magaaladaasi kuyaala.

Ciidamadan oo katirsan booliiska sida gaarka ah u tababaran ayaa saakay diyaarado ka qaadeen magaalada Muqdisho waxaana la geeyay magaalada Dhuusomareeb si ay u xoojiyaan amaanka magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska ayaa la wareegay amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb, xarunta Madaxtooyada , iyo goobta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Ciidamadan oo u muuqda kuwa feejigan ayaa lagu arkayaa xarumaha muhiimka ah ee kuyaala magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna ciidankan yihiin kuwa ka duwan kuwii horey dowlada u geysay magaaladaasi.

Madax katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo wafuud kale ayaa la filayaa in dhawaan gaaraan magaalada Dhuusomareeb si ay uga qeyb galaan furitaanka shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Maamulka Ahlu Sunna ee gacanta ku hayay magaalada Dhuusomareeb ayaan ku faraxsaneyn ciidamada cusub ee dowlada geysay magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna kooxdaasi sheegtay in dowlada ka baxday heshiisyo horey ula gashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada Maamulka Galmudug oo amar cusub la siiyey & khilaafka oo faraha ka baxay

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo la kulmay Masuul sare oo katirsan Shirkadda DP World

Cabdi Cade

Guddoomiye Cumar Filish oo kormeeray Xarumo ku yaalla Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---