Ergeyga dowlada Qatar u soo dirtay Soomaaliya oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Ergeyga Gaarka ah ee dowlada Qatar u soo dirtay Somaia Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Garoonka dayuuradaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Somalia Balal Cusmaan iyo masuuliyiin kale.

Dr. Mutlaq ayaa Muqdisho kulamo kula qaadan doona Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Wakiilada Beesha Caalamka iyo Xubnaha Mucaaradka sida ay sheegayaan warar laga helay ilo xog ogaal ah

Qatar oo la aaminsan yahay iney si weyn u taageerto Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Farmaajo  ayaa dooneysa inay Beesha Caalamka iyo siyaasiyiinta Soomaalida u muujiso in aysan taageero u heyn Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday, loona arko inay dhex dhexaad tahay.

Dr. Mutlaq ayaa Muqdisho ka hor socdaal ku soo maray magaalada Hargeysa, halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo masuuliyiin kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -