Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka beelihii ku dagaalamay Luuq oo goob la iskugu keenay

Saraakiisha Dowladda, Xildhibaano, Maamulka gobalka Gedo iyo kan degmada Luuq ayaa la kulmay Ciidamada Beelihii ku dagaalamay degmadaas oo hal goob la iskugu keenay

Abaanduulaha qeybta 43-aad, Taliyaha Nabadsuggida gobalka Gedo, Taliyaha qeybta Booliska gobalka Gedo, Taliyaha Guutadda 10-aad, Saraakiisha ciidamada iyo Gudoomiye kuxigeenka gobalka Gedo ayaa kala hadlay in ciidamada Dowlada katirsan lagu celin doono xeryaha ay ka tirsanaayen halka ciidanka kale ee macawislayda ah la kala dirayo ilaa ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Booliska salka loo dhigayo.

Masuuliyiintan ayaa u sheegay ciidamo beeleedka labada dhinac iney dhamaatay colaadii ka dhacday degmadaas ayna wixii hadda ka dambeeya ka shaqeeyaan Nabada iyo isdhexgalka bulshada.

Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland, Saraakiisha Ciidamada qalabka sida iyo odayaasha dhaqanka, waxaa la isku raacay in wixii dhiman wada-hadal lagu dhameeyo.

Related posts

Askari Nus dollar u dilay qof shacab ah oo damiin lagu sii daayey

Caydiid Ali

Hay’adaha amaanka oo Fariin u diray Xildhibaanada iska soo horjeeda ee maanta shiraya (Akhriso)

Cabdi Cade

Sidee u aragtaa Amarkii uu soo saaray Ra’iisul Wasaare Khayre? (Fikirkaaga dhiibo)

admin
Taboola Ads ---