Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Madaxweyne 3aad oo looga dhawaaqay Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyey

Kismaayo waxaa maanta looga dhawaaqay Madaxweyne 3aad oo la sheegay in lagu doortay magaaladaasi, kadib doorasho laba dhinac ah oo shalay halkaasi ka dhacday.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo lagu doortay C/Naasir Seeraar Maax oo ka mid ahaa musharixiinta isbedeldoonka Jubbaland, wuxuuna sheegay inay xildhibaannada Jubbaland u doorteen xilkan, isla markaana uu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Jubbaland.

C/naasir Seeraar ayaa hore u ahaa afhayeenka kooxdii Raaskaambooni ee Axmed Madoobe hoggaamin jiray iyo maamulkii Jubbaland.

Waxaa lagu tilmaamaa ninka ugu awood badnaa mucaaradka Axmed Madoobe ee jooga Kismaayo.

Golihii Isbaheysiga Jubbaland ee mucaaradka ayaa u kala jabay dhinacyo kala duwan oo shalay qeyb ka mida ay doorteen C/rashiid Xiddig, halka maanta ay qeyb kale doorteen C/naasiir Seeraar, waxaana jira xubno kale oo qaatay mowqif dhexdhexaad ah.

Shalay ayaa magaalada Kismaayo dib loogu doortay Axmed Madoobe oo markii saddexaad xilkaas loo dhaariyey, waxaana Doorashooyinka Kismaayo sharci darro ku tilmaantay Dowladda Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka Puntland oo soo saaray Digniin ku socota Shacabka Gobolka Bari

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade

Kheyre oo Saacado badan kadib ka hadlay Weerarkii lagu hoobtay ee Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---