Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidamada AMISOM oo madaxda dowlada hordhigay iney kala doortaan dhowr qodob

Taliyaha guud ee Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Paul Lokech ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay la wareegayaan amniga xarunta Baarlamaanka inta laga xaqiijinayo jawi ay Xildhibaanada ku yeelan karaan kalfadhi nabdoon.

Jen. Paul Lokech ayaa sheegay inuu jiidaha dagaalka uga yimid, si loo xaliyo khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamanka, madaxda dowlada horddhigay iney kala doortaan saddex qodob oo kala ah.

1- In Baarlamanka iyo Xukuumadda ay isku raacaan in AMISOM la wareegto ammaanka dhammaan Xarunta Baarlamaanka oo ay abuuraan xaalad xor ah oo howsha Baarlamaanku ku socon karto.

2- Haddii Qodobka koowaad lagu heshiin waayo inaan la geeyo meel dhexdhexaad ah oo Baarlamaanku ku shiro.

3- Qodobka saddexaad oo ah inay AMISOM faraha kala baxdo oo arrimahooda ay iyagu dhameystaan.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey qalalaase iyo ismaandhaaf ka dhashay kulankii Baarlamaanka ee loo balansanaa maanta, kaasoo qabsoomi waayey markii ciidamo hubeysan ay gudaha u galeen xarunta baarlamanka kuwaasoo ay wateen Gudoomiye Jawaari iyo ku-xigeenkiisa labaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jidadka Muqdisho qaarkood oo saaka xiran & ciidamo hubeysan oo la soo dhoobay

Caydiid Ali

Yurub oo ka cabsanaysa in xogtooda sirta ah helaan maamulka Trump

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Madaxweyne Xasan Shiikh kala hadlay danjire Fei Shengchao?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---